Latest Somali Podcast Episodes

Adeeg Wanaag artwork

Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada

Adeeg Wanaag - July 17, 2024 08:00 - 59 minutes
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay...

Adeeg Wanaag artwork

Tayeynta Waxbarashada & Kaalinta Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Adeeg Wanaag - June 23, 2024 05:00 - 43 minutes
Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga keenay, iyadoo dadka qaar caruurtooda ay dalaka der...

Maamul Wanaag artwork

Sidee loo xallin karaa khilaafyada siyaasadeed ee Hirshabeelle?

Maamul Wanaag - June 13, 2024 07:00 - 19 minutes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...

Maamul Wanaag artwork

Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib

Maamul Wanaag - May 21, 2024 06:00 - 38 minutes
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka 4-...

Maamul Wanaag artwork

Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka 2024

Maamul Wanaag - April 28, 2024 07:00 - 20 minutes
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta ...

Adeeg Wanaag artwork

Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda

Adeeg Wanaag - April 17, 2024 07:00 - 44 minutes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daa...

Maamul Wanaag artwork

Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka

Maamul Wanaag - March 29, 2024 15:00 - 49 minutes
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee ...

Adeeg Wanaag artwork

Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

Adeeg Wanaag - March 03, 2024 11:00 - 59 minutes
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhaw...

Adeeg Wanaag artwork

Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

Adeeg Wanaag - February 07, 2024 07:00 - 38 minutes
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah,...

Maamul Wanaag artwork

Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland

Maamul Wanaag - January 15, 2024 06:00 - 42 minutes
1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomit...

Adeeg Wanaag artwork

Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

Adeeg Wanaag - December 10, 2023 08:00 - 59 minutes
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladd...

Adeeg Wanaag artwork

Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

Adeeg Wanaag - November 22, 2023 06:00 - 39 minutes
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaana...

Maamul Wanaag artwork

Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?

Maamul Wanaag - November 07, 2023 10:00 - 47 minutes
Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku ya...

Maamul Wanaag artwork

Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood

Maamul Wanaag - October 16, 2023 07:00 - 37 minutes
Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaal...

Maamul Wanaag artwork

Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya

Maamul Wanaag - October 09, 2023 08:00 - 43 minutes
Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan. Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen...

Adeeg Wanaag artwork

Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

Adeeg Wanaag - September 30, 2023 13:00 - 54 minutes
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ay...

Adeeg Wanaag artwork

Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo

Adeeg Wanaag - September 21, 2023 11:00 - 28 minutes
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ar...

Adeeg Wanaag artwork

Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya’daha samafalka iyo dowlada

Adeeg Wanaag - August 30, 2023 07:00 - 1 hour
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muq...

Maamul Wanaag artwork

Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060

Maamul Wanaag - August 20, 2023 06:00 - 34 minutes
37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee ...

Maamul Wanaag artwork

Puntland 25 sano kadib

Maamul Wanaag - August 02, 2023 11:00 - 40 minutes
1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo  ah oo toos ah ka billowdeen 3 degmo oo katirsan Puntland.  Pod...

Adeeg Wanaag artwork

Kaltanka Bajaajyada ee A & B

Adeeg Wanaag - July 26, 2023 11:00 - 28 minutes
Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira.  Hadaba si loo xakmeeyo...

Maamul Wanaag artwork

Sare-u-qaadista Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo Maamul Wanaagga Hay’adaha Dowladda Soomaaliya

Maamul Wanaag - July 15, 2023 10:00 - 19 minutes
Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu sameeyay ayaa hadda xabsiyada ku jira halka qaar kale oo ...

Maamul Wanaag artwork

Dib-u-habeynta Hay’adaha Dowladda Colaadaha Kadib

Maamul Wanaag - June 14, 2023 06:00 - 38 minutes
Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay’adaha dowladda waa kuwo nugul, oo aan adeegyadii looga baahnaa qabanin.   Podcast-gan ...

Maamul Wanaag artwork

Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland

Maamul Wanaag - June 01, 2023 11:00 - 26 minutes
Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira.  Podcast-gan oo aa...

Adeeg Wanaag artwork

Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Adeeg Wanaag - May 15, 2023 06:00 - 33 minutes
Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, i...

Maamul Wanaag artwork

Falanqeyn Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Baydhabo

Maamul Wanaag - May 09, 2023 03:00 - 57 minutes
Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga...

Adeeg Wanaag artwork

U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose

Adeeg Wanaag - April 29, 2023 07:00 - 29 minutes
Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxa...

Maamul Wanaag artwork

Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya

Maamul Wanaag - April 19, 2023 07:00 - 23 minutes
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu ya...

Maamul Wanaag artwork

Heshiiska Siyaasadeed ee Hirshabeelle

Maamul Wanaag - March 25, 2023 05:00 - 18 minutes
Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar. Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana...

Adeeg Wanaag artwork

Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda

Adeeg Wanaag - March 09, 2023 17:00 - 26 minutes
Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga ...

Related Somali Topics