Maamul Wanaag artwork

Maamul Wanaag

37 episodes - English - Latest episode: 29 days ago -

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

Politics News somali public agenda spa maamul wadaag podcast mahad wasuge
Homepage Apple Podcasts Google Podcasts Overcast Castro Pocket Casts RSS feed

Episodes

Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka

March 29, 2024 15:00 - 49 minutes - 34.2 MB

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka. 28-kii Maarso, nuqul wax-ka-beddel lagu sameeyay ayaa loo qeybiyay xildhibaannada baarlamaanka iyadoo 30-ka Maarso loo jadwaleeyay u codeynta afarta cutub....

Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland

January 15, 2024 06:00 - 42 minutes - 29.3 MB

1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaaliland ayaa la sheegay in ay ku beddelaneyso ictiraaf ay ka hesho Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada gobolka iyo dalal badan ayaa ka...

Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?

November 07, 2023 10:00 - 47 minutes - 32.5 MB

Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada. Podcast-gan waxa ay Jaamac Cigaal oo khabiir ku ah arrimaha dib-u-h...

Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood

October 16, 2023 07:00 - 37 minutes - 25.5 MB

Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakeceen. Dhawaan dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada kadib waxaa gacan kuheynta gobolka Soo...

Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya

October 09, 2023 08:00 - 43 minutes - 29.6 MB

Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan. Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen Somali Dialogue Platform labo cilmibaaris oo lagu eegay heerka ka qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka dib...

Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060

August 20, 2023 06:00 - 34 minutes - 23.9 MB

37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadkii 2012. Waxaa madaxweyne ka noqday madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa ku howlan Hiigsiga Qarni-jirka 206...

Puntland 25 sano kadib

August 02, 2023 11:00 - 40 minutes - 27.6 MB

1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo  ah oo toos ah ka billowdeen 3 degmo oo katirsan Puntland.  Podcast-gan waxa ay Cali Xaaji Warsame oo wasiir waxbarasho kasoo noqday Puntland sidoo kalena isku sharraxay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2017 iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan  geeddi-socodkii Pu...

Sare-u-qaadista Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo Maamul Wanaagga Hay’adaha Dowladda Soomaaliya

July 15, 2023 10:00 - 19 minutes - 13.3 MB

Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu sameeyay ayaa hadda xabsiyada ku jira halka qaar kale oo ka maqan dalkana looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir. Dadaalladan ayaa u muuqda kuwo bilow u ah sare-u-qaadista daahfurnaanta iyo maamul wanaagga hay’adaha dowladda.  Podcast-gan waxaa marti ku ...

Dib-u-habeynta Hay’adaha Dowladda Colaadaha Kadib

June 14, 2023 06:00 - 38 minutes - 26.4 MB

Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay’adaha dowladda waa kuwo nugul, oo aan adeegyadii looga baahnaa qabanin.   Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan dhabbaha ay tahay in loo mari dib-u-habeynta hay’adaha dowladda colaadaha kadib. Dr Ahmed Ali Khayre waa cilmibaare iyo lataliye arrima...

Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland

June 01, 2023 11:00 - 26 minutes - 18.1 MB

Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira.  Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka daraasad uu dhawaan daabacay Machadka Rift Valley oo falanqeyneysay heshiiska siyaasadeed ee Jubaland. Waxaa marti ku ah K...

Falanqeyn Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Baydhabo

May 09, 2023 03:00 - 57 minutes - 39.4 MB

Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka ee 2017.  Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo 15-17 Maarso ee sanadkan ayaa saxiixay heshiis cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka.  Podcast-gan waxaa ...

Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya

April 19, 2023 07:00 - 23 minutes - 15.9 MB

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 68 boqolkiiba miisaaniyadda ($667 milyan) ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic ($496 milyan ama 50%) iyo kab miisaaniyadeed (...

Heshiiska Siyaasadeed ee Hirshabeelle

March 25, 2023 05:00 - 18 minutes - 12.8 MB

Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar. Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan. Iyadoo ay khilaafyo ragaadiyeen maamulka, ayaa bishii Nofeembar 2020 madaxweynaha dowlad- gobolleedka loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’ oo kasoo jeeda g...

Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland

January 25, 2023 12:00 - 22 minutes - 15.3 MB

Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madaxweynaha dalka ee dhacday bishii May ee sanadkii hore. Muddo xileedka madaxweynaha oo 5 sano ah ayaa ay hal sano ka harsan tahay. Podcast-gan waxa...

Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho

December 10, 2022 10:00 - 57 minutes - 39.5 MB

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin. Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrinkan. Maqaamka Muqdisho waxa ay kamid tahay arrimaha taagan oo dib u dhigaya qabya-tirka dastuur...

Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya  

November 10, 2022 07:00 - 1 hour - 42 MB

Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa...

Policy options for agreeing a model for fiscal federalism

November 02, 2022 07:00 - 34 minutes - 23.7 MB

Somalia first formally adopted a federal model in 2004 with the establishment of the Transitional Federal Government. Since then, federalism has been deepened and clarified with the adoption of the Provisional Federal Constitution in 2012 and the subsequent formation of the country’s Federal Member States (FMS).  However, important parts of Somalia’s federal model remain undefined, including agreement on a model for fiscal federalism. This is a critical pillar of the federal architecture, a...

Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo

October 16, 2022 07:00 - 27 minutes - 18.7 MB

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadda amniga qaranka iyo arrimo kale.  Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda wa...

Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo

October 16, 2022 07:00 - 27 minutes - 18.7 MB

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadda amniga qaranka iyo arrimo kale.  Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda wa...

Ma la joogaa wakhtigii dib-u-eegis lagu sameyn lahaa Naqshadda Amniga Qaranka ee lagu heshiiyey 2017?

September 25, 2022 13:00 - 15 minutes - 10.7 MB

Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban.  Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya. Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift ...

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 2-aad)

August 06, 2022 11:00 - 34 minutes - 23.7 MB

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 2-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa waxyaabihii uu qabtay Talyaaniga muddaddii 10-ka sano ahayd ee uu maamulayay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga dhaxl...

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 1-aad)

July 20, 2022 12:00 - 42 minutes - 29.3 MB

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 1-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa sida uu Talyaaniga ku yimid Soomaaliya iyo sidii uu ugu fiday dhulka Soomaalida. Contact Somali Public Agenda’s ...

Historical Roots and Legacies of Somalia’s Current Governance Systems I Lee Cassanelli & Mahad Wasuge

July 04, 2022 03:00 - 34 minutes - 23.7 MB

Somalia’s current institutional structure and governance system is shaped by the pre-colonial and colonial legacies. The British And Italian administrations who administered the Italian Somaliland and British protectorate before the independence in 1960 established systems that are still evident in Somalia public institutions. The Soviet Union, Egypt, the USA and other countries who supported Somalia’s security institutions, education and other sectors also left legacies in Somalia’s public ...

Dhismaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya

June 26, 2022 13:00 - 33 minutes - 23 MB

Labaatankii sano ee ugu dambeysay, madaxweynayaashii dalka waxa ay is khilaafeen raysal wasaarayaashii waxana ay magacaabeen 2-3 raysal wasaare. Xubnaha golaha wasiirrada ee la magacaabayay ayaa sidoo kale tiro ahaan kala duwanaa.  Dhawaan waxaa la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gole wasiirro ayaa dhawaan la magacaabi doonaa. Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dhismaha xukuumadda xigta ee Soomaaliya. Waxaa marti ku ah Maamul Wanaag Podcast Dr Afyare Cabdi Cilmi oo ah Agaasimaha Machadk...

Soo-saarista, Maareynta, iyo Qeybsiga Shidaalka Soomaaliya

June 12, 2022 07:00 - 26 minutes - 18.5 MB

Waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan bad iyo barriba. Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay soo billaabatay tobaneeyo sano kahor.  Dhawaan Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa heshiis la saxiixay shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal ugasoo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Heshiiskaas xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra'isul wasarahuba waa diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa.  Podcas...

Cadaaladda Xilliga Kala Guurka I Dr Axmed Cali Khayre & Mahad Waasuge

May 29, 2022 16:00 - 35 minutes - 24.5 MB

Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada. Marka dowlad burburtay dib loo dhisayo, mid kamid ah siyaabaha xal l...

Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya

May 14, 2022 14:00 - 42 minutes - 29 MB

Doorashadii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gebagabeeyay. 39 musharrax oo u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaangelisay khudbadana u jeedisay baarlamaanka. 15-ka May, maalinta Axadda, ayuu dalku yeelanayaa madaxweyne hoggaamiya 4-ta sano ee soo socota. Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeyneyaan arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya oo ay tahay in dowladda cusub ka shaqeyso.

Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya

May 14, 2022 14:00 - 42 minutes - 29 MB

Doorashadii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gebagabeeyay. 39 musharrax oo u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaangelisay khudbadana u jeedisay baarlamaanka. 15-ka May, maalinta Axadda, ayuu dalku yeelanayaa madaxweyne hoggaamiya 4-ta sano ee soo socota. Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeyneyaan arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya oo ay tahay in dowladda cusub ka shaqeyso. Contact Somali Public Agenda’s ...

Doorashada 16-ka Kursi ee Golaha Shacabka ee Gobolka Gedo

April 24, 2022 09:00 - 41 minutes - 28.3 MB

14-kii April waxaa la dhaariyey inta badan xubnihii la doortay ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Isla maalintaas, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu doorashada 16-ka kursi ee horey loogu heshiiyay in lagu doorto magaalada Garbahaareey ugu wareejinayo degmada Ceel Waaq oo isla gobolka Gedo ka tirsan. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga. Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer ...

Qoondada Haweenka ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

April 10, 2022 09:00 - 42 minutes - 29.2 MB

Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa heer gebogebo ah. Dhowr iyo labaatan xildhibaan ayaa hartay doorashadooda. Jowhar iyo Garbahaareey keliya ayay kuraas ku harsan yihiin iyadoo doorashada goobaha kale lasoo dhameeyay. Xubno badan oo katirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa qaatay shahaaddada xildhibaannimo iyadoo la qorsheynayo in xildhibaannada la dhaariyo 14-ka April.  Kuraasta ay ku fadhiyeen haweenka oo sanadkii 2016 ahaa 82 ama 24% ayaa hadda hoos u dhacday iyadoo ilaa hadda qiya...

Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Muqdisho

April 04, 2022 14:00 - 44 minutes - 30.8 MB

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha. Warbixinta waxa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.   Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Emai...

Kaalinta Bulshada Rayidka ee Hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka

February 14, 2022 07:00 - 33 minutes - 22.7 MB

Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa meel dhexe. In ka badan 100 xildhibaan ayaa la doortay. Muddada lagu heshiiyay 9-kii January 2022 waxa ay ahayd in 25-ka February lagusoo qabagabeeyo doorashada.  Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa  kaalinta bulshada rayidka ee doorashada. Waxaa marti ku ah Sainab Xasan iyo Axmednur Cabdullahi Axmed. Sainab Xasan waa Aasaasaha iyo Agaasimaha Guud ee Somali Gender Equity Movement. Axmednur Cabdullahi Axmed waa mid kamid ah culimada Soomaaliy...

Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay

January 26, 2022 04:00 - 21 minutes - 14.8 MB

9-kii January, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray heshiis ka kooban 18 qodob oo la xiriira dhameystirka doorashada Golaha Shacabka. Heshiiskaas kadib, waxaa billowday dardargelinta doorashada iyadoo lasoo saaray liiska kuraas badan oo qaarkood la doortay qaarna la filayo in dhawaan la doorto. Sidoo kale cabashooyin ku aaddan maareynta kuraasta ayaa kasoo yeertay qaar kamid ah musharraxiinta.  Podcast-gan waxa ay Cabdi Ceynte iyo Mahad Waasuge falanqeynayaan xaaladda hadda ee doorasha...

Falanqeyn Doorashooyinka Soomaaliya iyo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran

January 16, 2022 12:00 - 45 minutes - 31.1 MB

Podcast-ga waxaa marti ku ah Maxamed Cabdirisaq. Maxamed Cabdirisaaq waa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Muddo dheer ayuu kasoo shaqeeyay  arrimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya iyo geeska Afrika. Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Maxamed Cabdirisaaq ku falanqeynayaan doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii uu dhawaan gaaray Golaha Wadatashiga Qaran.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Emai...

Falanqeyn dib usoo laabashada Ahlu Sunna Wal Jamaaca: arrimaha sahlay, fursadaha la lumiyay iyo xalka

December 23, 2021 09:00 - 28 minutes - 19.6 MB

Dhawaan waxa aan daabacnay warbixin iftiimineysa sababaha dib usoo laabashada ASWJ ee Galmudug. Warbixinta waxa qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda.   Podcast-gan Farxaan Isaaq Yuusuf iyo Mahad Waasuge ayaa ku falanqeynaya  nuxurka warbixinta.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

Falanqeyn Howlgalinta Xarumo Naqshadeeya Siyaasadaha oo Isku-xira Dowladda iyo Baahida Dadweynaha

September 20, 2021 05:00 - 14 minutes - 10.1 MB

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda  daabacday warbixin iftiimineysa howlaha Xarumaha Naqshadeeya Siyaasadda iyo Adeegyada Bulshada. Warbixinta waxa qoray Aweis Ahmed Mohamed oo ah agaasimaha SPA Center for Public Policy and Service Design.   Podcast-gan waxa Aweys Axmed Maxamed iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan Howlgalinta Xarumo Naqshadeeya Siyaasadaha oo Isku-xira Siyaasada Dowladda iyo Baahida Dadweynaha Soomaaliya. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us a...

Falanqeyn Hannaanka Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya

August 23, 2021 08:00 - 28 minutes - 19.5 MB

Dhawaan waxa aan daabacnay daraasad muddo sanad ah socotay oo lagu baarayay hannanka maaliyadda federaalka Soomaaliya.  Cilmibaaristaas waxa hoggaaminayay  Farxaan Isaaq Yuusuf oo ah Agaasime Kuxigeenka Somali Public Agenda. Farhan iyo aniga oo warbixinta wada qornay ayaa ka sheekeysan doonno nuxurka natiijada kasoo baxday cilmibaarista.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicag...

Twitter Mentions

@mahadwasuge 14 Episodes
@somalipubagenda 14 Episodes