Adeeg Wanaag artwork

Adeeg Wanaag

41 episodes - English - Latest episode: about 2 months ago -

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.

Politics News Education somali public agenda spa
Homepage Google Podcasts Overcast Castro Pocket Casts RSS feed

Episodes

Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

March 03, 2024 11:00 - 59 minutes - 41 MB

Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.      Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan ta...

Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

February 07, 2024 07:00 - 38 minutes - 26.2 MB

Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.    Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka la...

Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

December 10, 2023 08:00 - 59 minutes - 40.7 MB

Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xusee...

Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

November 22, 2023 06:00 - 39 minutes - 26.9 MB

Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada.  Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ...

Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

September 30, 2023 13:00 - 54 minutes - 37.2 MB

Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u ...

Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo

September 21, 2023 11:00 - 28 minutes - 19.6 MB

Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kal...

Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya’daha samafalka iyo dowlada

August 30, 2023 07:00 - 1 hour - 42 MB

Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyi...

Kaltanka Bajaajyada ee A & B

July 26, 2023 11:00 - 28 minutes - 19.5 MB

Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira.  Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go’aank...

Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

May 15, 2023 06:00 - 33 minutes - 23.3 MB

Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, iyo adeegyada ay ka heelaan shirkadaha qandaraaska ku qaata adeegga Xajka.   Haddaba iyadoo billaabashada howlaha Xajka ay naga xigto muddo bil ah, ayaa waxaa podcast-gan lagu falanqeynayaa guud ahaan...

U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose

April 29, 2023 07:00 - 29 minutes - 20.4 MB

Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxaa saameeyay nidaamkii dhexe ee dalka ka jiray. Nidaamka Federaalka ayaa waxaa awoodda iyo maamulka adeegga dadwweynaha maamula inta badan dowlad-goboleedayada, halka ay aheyd in dowladaha hoose loo  d...

Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda

March 09, 2023 17:00 - 26 minutes - 18.2 MB

Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho. Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala ...

Sababa iyo Xalka Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho

March 04, 2023 09:00 - 31 minutes - 21.9 MB

Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan.  Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo fa...

Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho

February 08, 2023 13:00 - 31 minutes - 21.5 MB

Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011.   Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka ...

Shaqaaleysiinta Dhallinyarada: Tayo-yarida Tacliinta Sare Miyaa Ka Qeyb Qaadanayso Shaqo La’aanta Dhallinyarada Muqdisho?

January 21, 2023 12:00 - 27 minutes - 19 MB

Soomaaliya oo leh mid kamid ah shucuubta ugu da’da yar adduunka ayaa haddana kala bar dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30-ka sano ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah, kadib marka ay tacliinta sare dhammeystaan. Dhinaca kale, dalka waxa uu kasoo kabanayaa dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday oo saameeyay tayada tacliinta sare. Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare sanadkii 2019 si loo hagaajiyo tayada tacliinta sare. Hase ahaatee, gu...

Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan

December 20, 2022 18:00 - 27 minutes - 19 MB

Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah.   Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benadir u daadejiso Maamulka Gobolka Banaadir kadib is-afgarad labada dhinac ay ku kala saxiixdeen M...

Naqsahadeynta xalka waara ee Soomaaliya iyo ku saleynta baahiyaha dadka barakcayaasha

December 14, 2022 08:00 - 1 hour - 44.4 MB

Somalia waxaa sanado ka jira barakac baahsan oo ay sababeen coladaha soo laalaabtay iyo dhibaatooyinka la xiriira cimilada. Dowladda iyo haya’daha caalamiga ah ayaa in muddo ah la tacaalayay in la yareeyo ama xal waara loo helo dhibaatada barakaca. Haya’daha caalamiga ah ayaa sameeya dadaallo lagu naqshadeynayo barnaamijyo lagu doonayo in xal waara loogu helo barakaca. Haseyeeshee, waxaa jira caqabado ay wajahayaan haya’daha oo la xiriira in ay fahmaan ama helaan xog ku saabsan duruufaha dha...

Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka

November 17, 2022 04:00 - 33 minutes - 23.2 MB

Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu...

Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka

November 17, 2022 04:00 - 33 minutes - 23.2 MB

Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu...

Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka

October 01, 2022 06:00 - 45 minutes - 31.5 MB

Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo.  Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah kuwa dib loo howlgaliyay, iyadoo kuwa gaarka ah ee baahida bulshada dabooli jiray ay weli kaalin...

Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada Muqdisho

April 06, 2022 10:00 - 1 hour - 57.2 MB

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha. Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.   Halkan ka dhageyso madal lagusoo bandhigay daraasadda laguna falanqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Contact Somal...

Dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka

September 07, 2021 10:00 - 1 hour - 57.6 MB

Halkan ka daawo madal aan ku qabannay Garowe oo  aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!

Hannaanka Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya

August 16, 2021 07:00 - 34 minutes - 23.7 MB

Halkan ka dhageyso Public Agenda Forum oo aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay hannaanka federaaleynta maaliyadda Soomaaliya. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!

Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo

May 18, 2021 08:00 - 25 minutes - 17.7 MB

1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban.  Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. K...

Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo

May 18, 2021 08:00 - 25 minutes - 17.7 MB

1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban.  Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. K...

Dib-u-heshiisiinta Galmudug: Geeddi-socodka, Caqabadaha iyo Fursadaha

April 04, 2021 08:00 - 29 minutes - 20.2 MB

Soomaaliya waxay soo martay xasillooni darro weyn tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd 1991. Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhexeeya qabaa'illada iska soo horjeeda ayaa caadi ka ahaa dalka oo dhan, kuwaasoo ka dhashay inta badan biyo yari iyo kheyraadka daaqa. Colaadaha noocan oo kale ah waxay keeneen isku dhacyo muddo dheer socdey oo ay adkaatay in la xalliyo. Mid kamid ah tusaalaha ugu muhiimsan waa maamulka Galmudug, oo ay sameysteen gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo...

Dib-u-heshiisiinta Galmudug: Geeddi-socodka, Caqabadaha iyo Fursadaha

April 04, 2021 08:00 - 29 minutes - 20.2 MB

Soomaaliya waxay soo martay xasillooni darro weyn tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd 1991. Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhexeeya qabaa'illada iska soo horjeeda ayaa caadi ka ahaa dalka oo dhan, kuwaasoo ka dhashay inta badan biyo yari iyo kheyraadka daaqa. Colaadaha noocan oo kale ah waxay keeneen isku dhacyo muddo dheer socdey oo ay adkaatay in la xalliyo. Mid kamid ah tusaalaha ugu muhiimsan waa maamulka Galmudug, oo ay sameysteen gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo...

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

March 23, 2021 08:00 - 16 minutes - 11.3 MB

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 mill...

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

March 23, 2021 08:00 - 16 minutes - 11.3 MB

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 mill...

Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

December 23, 2020 13:00 - 21 minutes - 14.7 MB

17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar. Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana wax...

Maxaa Casharro ah oo Laga Baran Karaa Doorashooyinkii Dadbanaa ee Soomaaliya ee 2016?

November 25, 2020 13:00 - 24 minutes - 17.1 MB

Doorasho dadban oo labaad ayaa la jadwaleeyey in ay mar kale ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 iyo horraanta sanadka 2021. Sida ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka 17-kii Sebteembar ee 2020, doorasho dadban ayaa ka dhici doonta labo degmo oo kamid ah dowlad-goboleed walba, halkaas oo ergooyinka doorashada ee lagasoo xulay beelaha ay u codeynayaan kursi kasta oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka S...

Kaalinta Dhalinyarada ee Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: Fursadaha iyo Caqabadaha

November 23, 2020 12:00 - 59 minutes - 41.2 MB

On Thursday, 12th November 2020, Somali Public Agenda and Youth Peer Education Network (Y-Peer) in Somalia have co-organized a forum that took place at Afrik Hotel in Mogadishu under the theme “The role of the Somali youth in the upcoming Somalia parliamentary and presidential elections: opportunities and challenges”.  59 young participants, from both genders, representing different institutions and organizations in Mogadishu have attended the forum, such as university students, civil serva...

Sidee loo maareeyay ka jawaabista Covid19 ee Soomaaliya?

October 13, 2020 07:00 - 55 minutes - 38.4 MB

On Monday, 28 September 2020, Somali Public Agenda organized a launch forum for its new report on the governance of Covid-19 in Somalia. Held at Safari Hotel in Mogadishu, the Public Agenda Forum was attended by over 30 participants, of both genders and from different segments of the society including the civil society umbrella groups, women’s organizations, youth, government officials, university lecturers, and the media.

Sidee loo maareeyay ka jawaabista Covid19 ee Soomaaliya?

October 13, 2020 07:00 - 55 minutes - 38.4 MB

On Monday, 28 September 2020, Somali Public Agenda organized a launch forum for its new report on the governance of Covid-19 in Somalia. Held at Safari Hotel in Mogadishu, the Public Agenda Forum was attended by over 30 participants, of both genders and from different segments of the society including the civil society umbrella groups, women’s organizations, youth, government officials, university lecturers, and the media. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at ...

Dhismaha Xukuumadda Xigta ee Soomaaliya

August 20, 2020 10:00 - 14 minutes - 10.2 MB

25-kii June baarlamaanka Soomaaliya ayaa riday xukuumaddii uu hoggaaminayay raysal wasaare Xasan Cali Khayre. Ilaa wakhtigan xukuumad cusub lamasoo dhisin.  Xukuumadda waxa la riday maalmo yar kadib markii uu soo idlaaday shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu uga hadlayeen nooca doorashada suuragalka ah in ay ku qabsoonto wakhtiga u haray hay’adaha federaalka.  Maxamed Cabdirisaaq waa aasaasaha iyo agaasimaha Finance, Development, and Governa...

Dhismaha Xukuumadda Xigta ee Soomaaliya

August 20, 2020 10:00 - 14 minutes - 10.2 MB

25-kii June baarlamaanka Soomaaliya ayaa riday xukuumaddii uu hoggaaminayay raysal wasaare Xasan Cali Khayre. Ilaa wakhtigan xukuumad cusub lamasoo dhisin.  Xukuumadda waxa la riday maalmo yar kadib markii uu soo idlaaday shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu uga hadlayeen nooca doorashada suuragalka ah in ay ku qabsoonto wakhtiga u haray hay’adaha federaalka.  Maxamed Cabdirisaaq waa aasaasaha iyo agaasimaha Finance, Development, and Governa...

Saameynta COVID-19 uu ku yeeshay jaamacadaha Muqdisho

July 18, 2020 15:00 - 25 minutes - 17.8 MB

Kadib markii lasoo tabiyay kiisaskii ugu horeeyay ee fayraska 16-kii Maarso, dowladda federaalku waxay qaadday tallaabooyin ay ku joojineyso faafitaanka caabuqa.  Tallaabadii ugu horreeysay waxay ahayd in la hakiyo iskuullada iyo jaamacadaha maadaama ay yihiin goobo uu si xooggan ugu faafi karo fayraska.  Raysal wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay 18-kii Maarso 2020 in labo toddobaad la hakinaayo waxbarashada, loona baahan yahay in la qiimeeyo sida xaaladdu isku baddeleyso....

Falanqeyn: waxa laga baran karo sida loo maareeyay kaalmadii bini'aadamnimo ee 2019 loo fidiyey Beledweyne

May 21, 2020 02:00 - 18 minutes - 12.8 MB

Bishii Octobar 2019, webiga Shabelle ayaa ku fatahay degmooyin katirsan Hirshabelle gaar ahaan magaalada Beledweyne. Daadadka oo ka dhashay roobabkii deyrta ee ka da’ay Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa magaalada Beledweyne uga barakacay dad lagu qiyaasay 240,000 oo qofood.  Kaalmo bini’aadamnimo oo xooggan ayaa loo fidiyey dadka ay fatahaadda sameysay. Balse dad badan ayaa ka cawday in gargaarka lagu qeybiyey si aan cadaalad ahayn.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Twee...

Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

April 10, 2020 18:00 - 23 minutes - 16.3 MB

2020 iyo 2021 sanado doorasho ayay u yihiin Soomaaliya. Muddo xileedka xubnaha labada gole ee baarlamaanka (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) wuxuu ku egyahay dhammaadka bisha Diseembar 2020; waxaa la caleemasaaray 27-kii Diseembar 2016. Muddo xileedka Madaxweynaha wuxuu sidoo kale dhammaanayaa horraanta Febraayo 2021. Sharciga doorashooyinka waxa ku jira faafaahinta ugu muhiimsan ee doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan. Golaha Shababka ee baarlamaanka ayaa ansaxiyay sharciga 28-ka Dise...

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?

March 24, 2020 07:00 - 45 minutes - 31.3 MB

Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha.  Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah. Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hub...

Review of the Proposed First Past The Post Electoral Model for Somalia

January 24, 2020 20:00 - 20 minutes - 13.8 MB

Somalia is in search of an electoral model for the scheduled 2020/21 political transition. An ad hoc 15-member parliamentary committee was mandated to review the National Electoral Bill (NEB) approved by the Council of Ministers. It submitted to the parliament a reviewed version of the NEB at a joint meeting by the two chambers of parliament on 27th November 2019. The Committee proposed a ‘First Past the Post System’ as an electoral model for Somalia. After deliberations, the House of the Pe...

Re-instituting political parties in Somalia

January 18, 2020 16:00 - 14 minutes - 10.3 MB

On 6th September 2016, then Somali president Hassan Sheikh Mohamud, ratified the long-awaited political parties act following the parliament’s approval.  The political parties law (Law No. 19 of 27 June 2016) comprises of 38 articles and 4 schedules. It governs the provisional and full registration of political parties, the rejection of registration attempts, the alliance and merger of political parties, individuals allowed to join political parties, the rights and privileges of political p...

Twitter Mentions

@aweisade 14 Episodes
@spapolicylab 14 Episodes
@somalipubagenda 14 Episodes