Adeeg Wanaag artwork

Dib-u-heshiisiinta Galmudug: Geeddi-socodka, Caqabadaha iyo Fursadaha

Adeeg Wanaag

English - April 04, 2021 08:00 - 29 minutes - 20.2 MB
Politics News Education somali public agenda spa Homepage Download Google Podcasts Overcast Castro Pocket Casts RSS feed


Soomaaliya waxay soo martay xasillooni darro weyn tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd 1991. Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhexeeya qabaa'illada iska soo horjeeda ayaa caadi ka ahaa dalka oo dhan, kuwaasoo ka dhashay inta badan biyo yari iyo kheyraadka daaqa. Colaadaha noocan oo kale ah waxay keeneen isku dhacyo muddo dheer socdey oo ay adkaatay in la xalliyo. Mid kamid ah tusaalaha ugu muhiimsan waa maamulka Galmudug, oo ay sameysteen gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo taariikh ahaan ahaayeen labadan gobol goobo ay ka jiraan loollan siyaasadeed oo qaraar iyo dagaallo isdaba joog ah, iyadoo kooxo badan ay sheeganayeen inay ka taliyaan qeybo kala duwan oo labadan gobol katirsan. Muddadii 2015 ilaa 2019 Galmudug labo ayay u kala jabtay, maamullo kala gaar ahna waxaa laga kala dhisay dhumasareb iyo Cadaado. Sikastaba ha noqotee, kadib isku dayo badan oo dib-u-heshiisiin oo ay ku guuldareysteen dhinacyo kala duwan, geeddi-socodkii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagusoo dabaalo nabad iyo in la dhiso dowlad xasilan ayaa waxaa laga gaaray guul.

Podcast-gan waxa ay Maxamed Shariif, Mahad Waasuge, Farxaan Isaaq Yuusuf ku falanqeynayaan  natiijooyinka kasoo baxay daraasad cilmiyaysan oo falanqeyneysa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo bulsho ee degaannada Galmudug. 

Daraasadan waxaa sameeyay Somali Public Agenda intii u dhaxeysay bilihii Luulyo iyo Sebteember 2020, iyadoo taageero laga helayo hay’adda Interpeace.